Ciidamada Xoogaa Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa gacanta ku soo dhigay 18- dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa in miinooyinka lagu aaso laamiyada ay ku safraan dadka shacabka ah.

Hawlgalka lagu soo qabtay dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa waxaa laga fuliyay gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada maguurto, Gumarrey, Kaxarrow, Doonka weynow, Doonyarow, Cadeyley, Lafagaale, Cumar Dheere.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in raggan la qabtay ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen inay miinooyinka ku aasaan inta u dhexeeyso degmada Afgooye iyo deegaanka Tixsiile ee gobolka shabeelada hoose

 

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here