Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo goordhow warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa  Al-shabaab oo uu kujiro horjoogihii kooxda u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Waxaa la soo bandhigey meydka horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir, waxaa kale oo goobta la keenay dhaawaca nin kale iyo afar qori oo ay Ciidamadu ka furteen  oo ahaa kuwii xalay hoobiyaasha kusoo tuuray xaafado ka mid ah Magaalada.

Howlgalkaan oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga  Qeybta 21-aad Guutada 15-aad iyo Ciidanka Gor-Gor ayaa  lagu soo af-jarey Kooxdaan oo Al-shabaab u qaabilsaneyd arbushida deegaanada hoostaga #Dhuusamareeb oo muddooyinkaan ay ku dhuumaaleysanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here