Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60-aad ee ka howlgasha gobollada K/Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, xilli ay halkaas Al-Shabaab ku uruurinayeen waxa ay ugu yeereen Zekawaad.

Ugu yaraan 7-xubnood ayaa Al-Shabaab looga dilay weerarkaas, waxaana la sheegay in nolosha lagu qabtay illaa afar dagaalame, sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas.

Sidoo kale sarkaalkan la hadlay saxaafada waxa uu sheegay intii uu socday weerarkaas in ciidamada looga dilay laba askari, haatana ay dib ugu laabteen magaalada Baydhaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here