Howlgal ballaaran oo si wadajir ah u fuliyeen laamaha amniga degmada Wanlaweyn ayaa laga sameeyey wadada xariirisa Wanlaweyn iyo Afgooye.
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka ayaa Howlgalkaan ka sameeyay degaanada iyo tuulooyinka kala ah Doonka,Tixsiile, Garas Bandhiire,Gurdaan,Warmaxaan,Buulo Xaanshi,Sharey,Tabeelaha.
Howlgalka waxaa hogaaminayey taliye ururka 64aad Guutada 7aad qaybta 12 April dhamme Cali Cabdullahi (Halac) iyo taliyaha booliska degmada Wanlaweyn Gaashaanle dhexe Cabdulle Isxaaq iyo taliye ururka 54 aad Guutada 7aad qaybta 12ka April
Goobaha howlgalka sida gaar ah looga fuliyey waxaa kamid ah:
Intii lagu gudaha jiray howlgalka waxaa lagu qabtay saddex xubnood oo lagu sheegay Shabaab in ay yihiin sida saraakiisha howlgalka fulisay ay warbaahinta u sheegeen.








