HomeWarkiiCiidamada xoogga oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay

Ciidamada xoogga oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca galbeedka gobolka Baay, halkaasi oo gabaad ay kadhiganayeen maleeshiyada Khawaarijta.

Deegaanada si gaar ah howlgalkan sifeynta ah looga fuliyay waxaa
kamid ah Garas-gamaan, Xinshiloole iyo deegaanka Waneey, kuwaas oo qiyaastii 40km u jira degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Taliyaha Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS, Dhamme Onkod Macallin Aadan, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanku ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagarta iyo falalka ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgallkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan sifeynta degaanada khawaarijta kudhuumanayaan iyo sugidda nabadda shacabka Soomaaliyeed.May be an image of 4 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and treeMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people, rhinoceros and cheetah
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -