Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Howlgal qorsheysan oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka ay fuliyeen aagga deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay dhagarqabayaal ka tirsanaa Khawaarijta.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas oo Warbaahinta Qaranka la wadaagay sawirrada meydadka Khawaarijtii ay ku dileen howlgalka ayaa sheegay inay sii baacsanayaan firxadka cadowga Khawaarijta ah.
Aagaga Deegaanka Sabiib iyo Caanoole waxay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee ay bilihii ugu dambeeyay isku fara saareen Milateriga Somalia iyo dagaalamayaasha Alshabaab.


