Guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka aroortii howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Korkoor, oo 36 kiiloomitir Koonfur-bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Deegaankaasi ayaa Alshabaab u adeegsadeen meel ay ku afduubtaan shacabka si ay ugu qasbaan inay bixiyaan lacago baad ah, Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka xog sugan ka heleen dhibaatada lagu hayo shacabka deegaanka.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay soo furtaan 40 qof oo shacab ah oo Khawaarijtu u haysteen lacag baad ah, kuwaas oo si nabad ah loogu celiyay qoysaskooda.
Sidoo kale, ciidanku waxay cadowga gaarsiiyeen jab culus, iyagoo dilay tiro maleeshiyaad ah, burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, islamarkaana fashiliyey qorshihii Khawaarijta ee deegaankaasi.
Waxaa howlgalkaasi guuleystay lagu xaqiijiyay nabadgelyada shacabka deegaanka Korkoor iyo nawaaxigiisa.



















