Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Dayniile , ayaa xalay Hawgal ay sameeyeen ku soo qabtay Rag lagu eedeeyay in ay Afduubeen muwaadin Soomaaliyeed.
Taliska Booliiska ayaa sheegay in Raggan lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah ayna u gudbin doonaan hay’addaha caddaaladda .
Advertisement
Qoraalka ka soo baxay Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gbolka Banaadir aayaa u qorna Sidaan :
Taariiqdu markay aheyd 29/6/2023 abaaro 10:10pm ayaa ciidanka booliiska qeybta guud ee gobolka banaadir gaar ahaan qeybta galbeed ee saldhiga boliiska dayniile howgal ay fullinayeen ayaa waxa ay ku soo qabteen afar eedeysane afduub ku u geystay muwaadin waxaana la marsiin donnaa caddaalada.