Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Ciidamada Ilaalada Ra’isiulwasaaraha Itoobiya ee maalin ka hor tagay Hargeysa inay maanta dib ugu laabteen Adis-ababa.

Ciidamadaan oo qorshuhu ahaa inay ka sii hor maraan wafdiga Abiy Axmed si ay amnigiisa u sugaan ayaa maanta baabuur ay ka raceen Hargeysa waxay ku gaaren Jig jiga kadibna waxay u sii gudbeen adis ababa.

Advertisement

Ciidamadaan ayaa waxaa loo celiyay madaama ujeedkii loo keenay uu fashilmay taasoo ahayd inay ilaaliyaan Ra’iisulwasaare Abiy kadib markii Dowlada Somalia ay diiday inuu Hargeysa booqdo.

Qorshaha Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa gabi ahaanba fashilmay markii go’aan adag ay qaadatay Dowlada taasoo ahayd inay hawada xirato si uusan u sii socon is araga Maamulka Somaliland iyo Abiy Axmed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShil uu ku dhintay Duuliye diyaarad oo ka dhacay Garoonka Degmada Ceel-barde+Sawirro
Next articleFaarax Luga Baasto iyo Haweenka Marooko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here