Goor dhow ayaa Ciidankii Dowladda ee caawa la geeyay aagga Xaafada Shiirkole oo uu degay Jen. Saadaq John ayaa goordhow la soo celiyay, kaddib waan waan iyo dadaalo socday oo lagu joojinayay xiisada dagaal ee ka taagneyd qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo saraakiil kale oo kulamo la yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo weli socdo DADAAL arintaa ku saabsan.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in caawa fiidkii intii dowladdu diyaar garow ugu jirtay weerar lagu qaado Jeneraalka ay ku kala qeybsameen Saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaarkood ka biya diiday inay hoggaamiyaan weerarka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in PM Rooble iyo QOORQOOR uu Farmaajo kula heshiiyey in ay joojinta colaada ay ku bedeshaan in Gen. Saadaq Joon gacanta Dowlada la soo geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here