Wararka ka imanayo Taliska Ciidamada kala gadisan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegayo in kala shakin ay ka dhex Bilaabatay Ciidanka kala gadisan Sida Boliiska milatariga

Ciidamadii ugu Badnaa ee ka soo Jeeda Beelaha USC ayaa isaga soo baxay Aaga Dagaalka Gobolada Gedo kuwaa si dhuumaleysa ah ku galay Kenya iyo Etoobiya iyadoona sida la sheegay ay dareemeen Hub ka dhigis aysan ka war heyn Saraakiisha sar sare ee Dalka

Kala shakintaa ayaa sidoo kale ka jirta Xarunta Madaxtooyada iyadoona Ciido daganaa Agagaarka Madaxtooyada halkaa ay isaga baxeen oo ay dageen Xaafada Boondheere iyo xaafada kale

Kala shakintaan ayaa bilaabatay ka dib markii la galay Xili kala Guur ah oo qof waliba ay keentay in uu Naftiisa meel ku hubsado madaama laga Cabsi qabo Dagaal ka dhex qarxaan Ciidamada Dhaxdooda ee kala qabiilka ah

Xaalada hada jirta ayaa waxaa keentay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu Bilaabay in Xilalka ka Xayuubiya Qabiilada USC .Puntland iyo Jubbland kuwaa uu arko kuwa siweyn u Diidan Nidaamkiisa kaligiis taliska ah

Shacabka ku Nool magaalada Muqdisho ayaa Cabsiweyn la soo daristay ka dib markii ay dareemeen Hub aruursi

Suuqa kala Iibsiga Hubka ayaa hada laga dareemayaa Hoos u dhac keenay ka dib markii ay soo bateen Ciidamada iska Iibinayo Hubkooda

Magaalada Muqdisho ayaa maal mahaan waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada Qaaska ee Fahad Yaasiin iyo Ciidamo Boliis ah kuwa dhowr mar ku dagaalamay Degmada Waabari

Qaar badan oo Dibadaha ka tagay Doorashadii Farmaajo ayaa hada ku soo Gurya Noqonayo Cabsi la soo daristay aawgeed

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here