Ciidamadii dul daganaa guriga uu magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ka deganyahay musharaxii la tartamay madaxweynaha dalkaas Yuweri Musafani ee Bobi Weyn ayaa maanta laga qaaday kadib amar kasoo baxay maxkamada sare ee dalkaas.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay in maanta ciidamadii ku wareegsanaa guriga Bobi Weyn ay guureen waxaana ay dib ugu laabteen xeryahooda.

Qoraal uu siyaasigaan musharaxa ah ku qoray bartiisa twitterka ayuu ku sheegay inuu hadda dareemayo xornimo banaanka uu u bixi karo.

Dad badan oo taageerayaashiisa ka mid ah ayaa iskugu soo baxay guriga siyaasigaan sida weyn ula loolamay m/weyne Musafani.

Tan iyo markii ay soo idlaatay codeyntii doorashadii dalkaasi ka dhacday 14 bishaan ciidamo tiro badan oo boolis iyo military iskugu jira ayaa la dhigay guriga uu degenyahay waxaana loo diiday in cidi la kulanto ama uu asagu banaanka usoo baxo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here