Dowladda Soomalaiya ayaa la sheegay in xalay xilli dambe degmada Doolow ee gobolka Gedo geysay ciidamadii maamulka Jubbland ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Doolow ayaa saxaafada  u sheegay in gaadiidka waaweyn ee Soomaalidu u taqaano Waaraadka lagu daabulay ciidamada, isla markaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taalla degaan u dhow Doolow oo lagu magacaabo Buundo-Garas.

sidoo kale Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hasa yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here