Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan abaabulkii Ciidan ee ugu danbeeyay oo lagu kulaalayo Duleedka Degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo gurmadyo kala duwan uga yimid dhuusamareeb Guriceel ilaa muqdisho ayaa lagu wadaa in ay mar kale gacantooda ka baxshaan Degmada Wabxo Maleeshiyaadka alshabaab oo dib ula wareegay Degmadaasi maalmo ka hor.

Ciidamadaan uu hor kacayo Col. C.maalik ayaa maalmihii la soo dhaafay Waxay isku Uruursanayeen Deegaanadaas, waxaana la sheegay in maalmo ka hor looga soo baxay Deegaanadaas sababo dhinaca Ciidamada ah, hadana lagu wado in dib loogu laabto halkaas.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here