Muqdisho (dayniiile.com)- Xalay waxaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle international Airport ka soo dagay ciidamadii ugu badnaa waqtiyadaan danbe ee mar kaliya dalka ku soo laabta xili tababar ay soo dhemeysteen.

5 duulimaad ayay ku yimaadeen Ciidamadaasi oo ahaa kuwii ay tababartay Dowlada Ereeria waxaana garoonka ku soo dhaweeyay saraakiil iyo masuuliyiin Dowlada Soomaaliya ka tirsan.

Advertisement

Ciidamadaan ayaa isugu tagay xerooyin loo diyaarshay halkaasoo ay saldhig ka dhigan doonaan ka hor inta ay ka howl-galayaan.

Ciidamadaan oo lagu qiyaasay 5kun askari ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee mar kaliya tababar soo dhameysta kuna soo laabta dalkooda  marka loo eego waqtiyadaan danbe.

Diyaaradaha keenay ciidamaaan oo ah nuuca Camuulka ee Milatariga qaada ayaa waxaa leh dalka Masar sida aan wararka ku helnay.

Inkastoo aanan xaqiijin karin hadana ciidamadaan waxay ka dhigan yihiin in guud ahaan ciidamadii Ereteria ay u dirtay Dowladii hore ay soo wada galeen oo aaney jirin wax ku haray Asmara.

Ciidamadaa waxaa lagu wadaa ka qeybqaadan doonaan dagaalada xooggan ee ka socda inta badan Dalka kuwaasoo u dhexeeya Alshabaab iyo Dowlada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGudoomiyihii hore ee Jaamacada Ummadda oo ka hadlay Xilka qaadistiisa
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here