HomeWarkiiCiidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Milateriga Itoobiya oo u goostay dhanka...

Ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Milateriga Itoobiya oo u goostay dhanka Jabhada Amxaarada

Wararka ugu dambeeya ee laga helaayo Itoobiya ayaa sheegaya inuu sii kordhiyo burburka xooggan ee ku socda awoodii ciidan ee Itoobiya iyadoo ay soo kordhayaan ciidamada Milateriga Dowlada ka goosanaya ee Jabhadaha isku dhiibaya.

Wararkaani cusub ayaa sheegaya in ciidamo gaaraya Kun askari oo Milatyeriga Itoobiya ka tiranaa ay u goosteen kuna biireen Jabhada Amxaarada ee loo yaqaan FANO taasoo qeyb ka ah dhibatooyinka ay wajahayso Dowlada uu hogaamiyo Abiy Axmed oo manta aan xukumin dhul badan oo dalkaasi ka mid ah.

War ka soo baxay hogaanka Jabhada Amxaarada FANO ayaa lagu shaaciyay inay isku soo dhiibeen ilaa 1000 Askari oo ka mid ah ciidamada Milateriga Faderaalka Itoobiya, xili Jabjhadu mudo sanado ahba dagaal uu kala dhexeeyo Dowlada Abiy Axmed.

Wararka laga helaayo Jabhada Amxaarada ayaa sidoo kale ku shaaciyeen in todobaadyadii ugu danbeeyay ay dagaalada ku qabteen ilaa 500 oo ciidamada Itoobiya ka mid ahaa kuwaasoo maxaabiis ahaana u qabteen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -