Deegaanka Nuur Dugle oo xalay uu ka dhacay dagaal culus una dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa  Al-shabaab ayaa waxaa caawa gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ciidamadaasi la socda Xildhibaano iyo Gudoomiyayaal Degmo oo xamar ka raacay ciidamadaasi markii uu xalay sagootinayay  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Advertisement

Ciidamadaani caawa gaaray deegaanka Nuur-Duigle waxay xoojin doonaan ciidamada macawisley iyo kuwa  Dowlada oo  iska difaacay weerar kaga yimid dhanka dagaalamayasha Al-shabaab.

masuuliyiintaan waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda sii joogaan deegaanka Nuur-Dugle si ay u dhiira-geliyaan ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleDowlada Soomaaliya oo tira-koob ku sameysay Al-shabaabka  isasoo dhiibay maalmihii u danbeeyay
Next articleDuqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here