Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Wasiiro iyo Diblomaasiyeen ka kala socdey dalal badan oo caalamka ah, ayaa maanta dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti kaga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiraayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.Tababarkaan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee Jabuuti lagu qabto, waana dufcadii 22-aad ee ka tirsan ciidanka Daraawiishta booliiska Soomaaliyeed oo tababar xirfadiisu sareysa ku soo qaatey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti .
Ugu danbeyn, Taliye xigeenka ayaa uga mahadceliyay macalimiinta fulisay Tababarkaas oo ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliiska dalka Jabuuti oo kaalin Lama ilaawaan ah ka geystey fulinta Tababarkaan, Taliye Kaniif Ayaa sidoo kale u mahadceliyey Dowladda Taliyaaniga oo kaalin muuqata ka geysatey taageerida Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.
Ciidanka tababarka soo dhameystey ayaa ka qeyb galidoona Dagaalka Lagu ciribtiraayo Kooxaha Khawaariijta ee dulaanka ku ah dhiiga ummadda Soomaliyeed, waxana ay si gaar ah u tagi donaan furimaha hore ee dagaalka.





