Wararka ka imaanaya caawa magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Milatariga iyo Booliiska uu ka dhacay dhinaca xiga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku dagaalameen laba ciidan.

Ciidamo militeri ah ayaa caawa weeraray Bar-control oo ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin afaafka hore ee magalaada, gaar ahaan dhanka xiga garoonka diyaadaha ee Ugaas Khaliif.

Sidoo kale Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada la weeraray ay is difaaceen, isla markaana dagaal xoog leh uu ka dhacay halkaas, waxaana weli hoobta isku hor fadhiya ciidamadii dagaalamay.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here