Bacaadweyn(dayniiile.com)-Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug waxaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo kuwa deegaanka ah kuwaasoo u diyaarsan inay ka qeybgalaan dagaalada ka dhanka ah Alshbaaa .
Ciidankaan waxaa maanta kormer ugu tagay hadalana u jeediyay Saraakil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka.
Masuuliyijntaan ayaa ku dhiiri-geliyay dhalinyaradaan inay isu diyaariyaan dagaalo hor leh oo Alshbaaab looga saaraayo deegaanada Galmudug meelaha ay kaga harsan yihiin.
Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamo cusub oo kuwa deegaanka ah oo lagu soo bandhigo maamulada Galmusug iyo Hirshabelle balse ciidamo hore sidaan oo kale loo soo bandhigay waxay qeyb ka yihiin kuwa furumaha safka hore kaga jira.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM