BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari-Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka Puntland markii kale saaka xirteen qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaani.
Ciidamadaan oo la sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan sidii maalmo ka hor ay sheegteen ayaa si gaar ah waxaa ugu xiran wadada hormarta Isbitaalka Magaalada Boosaaso xili gabi ahaanba ay xayireen isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciidamad oo ah kuwii kusoo dhaawacmay dagaalka argagixsada ee Calmiskaad ayaa laamiga ku xirey biro si gaadiiku u marin walina ma jirto wax masuuliyiin ah oo ka socda Maamulka oo ciidamadaasi u tagay si ay uga qanciyaan cabashadooda.
Waa markii sedexaad oo Boosaaso sidaan oo kale ciidamadaani u xirteen si cabashadoda u muujiyaan iyadoo mar kasta masuuliyiintu ku qancinayeen inay wadooyinka xiraan.
Si kastaba gadoodkaan joogtada ah oo xitaa maalmo ka hor sidoo kale ka dhacay Garowe kaasoo iyaguna mushaar la’aan iyo daryeel la’aan ka cabanaya ayaa muujineysa in madaxda Maamulka Puntland balanqaadyadooda aysan fulineyn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
