Wararka ka imaanaya saakay Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay saakay arroortii galeen xarunta Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah kuwa maxaliga ah ee ku yaala Muqdisho.

Ciidankaan oo ku Hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay xoog ku galeen Idaacadaas. Ayna qaateen dhamaan qalabkii idaacada iyo qaar ka mid ah qeybta muuqaalada.

ciidankaan ayaa jirdil iyo handadaad u geestay qaar ka mid ah shaqaalaha idaacadda, sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qaateen qalabkii yaalay xarunta, islamarkaana ay burburiyeen.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay agaasimaha in ciidamada ay jir dil u geysteen Weriye Bashiir Maxamuud Yuusuf(BK).

Dowlada waqtigeeda dhamaaday ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waxay Culeeska saaraysay sidii ay u aamusin lahayd Warbaahinta madax banaan

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here