Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo inuu maanta jiro kulan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha “doorashooyinka.”

Wararka ayaa shegaya in Ciidamadaan ay xireen wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka, ayada oo aad loo xakameynayo dadka halkaas gelaya.

Sidoo kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo xukuumadda iyo Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday,
isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomidda doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here