Ciidamada Daraawiishta Galmudug , NISA iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta Howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka sameeyay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Ciidamada ayaa Howlgalkaan ka fuliyay degaanada kala ah Hareeri dheere, Cimaamad sameena gowrac iyo kuwa kale oo dhamaan ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug
Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa sheegay inay la wareegeen Goobo Al-Shabaab Xarumo Ciidan u ahayd oo ka tageen saacadihii lasoo dhaafay, isla markaana Amniga degaannadaas ay xaqiininayaan.
Saraakiisha Ciidanka hugaamineysay ayaa Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay inay Al-Shabaab baneeyeen Saldhigyo badan oo ay kaga sugnaan jireen Koonfurta Gobolka Mudug