Boqollaal askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa diiday inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, iyagoo ka yimid dalka Suudaan, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan ammaankooda.

Ciidamadaasi ayaa la geeyay gobolka Abyei oo ah gobolka lagu muransan yahay ku yaalla soohdinta u dhexeysa Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Markii uu xumaaday xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum ciidamadii nabad ilaalinta Itoobiya waxaa sanadkii hore lagu beddelay ciidamo caalami ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in qaarkood ay magangelyo caalami ah ka raadinayaan dalka Suudaan.

Mid ka mid ah ciidamadaasi oo ka soo jeeda gobolka Tigrayga ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo ay shaqo wadaag yihiin ay magangelyo weydiisteen.

Sannadkii hore koox kale oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta Itoobiya oo la geeyey gobolka Daarfur ee dalka Suudaan ayaa iyaguna diiday inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay iney amnigooda u cabsi qabaan.

.

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here