MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Jacfar ayaa caawa fariisimo ka sameystay nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka ee Degmada Warta-Nabada Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Cali Khayre uuba degay goobta ku dhaw Madaxtootada si uu halkaaasi uga hago banaan baxa 4-ta Bishaan June ay mucaaradku ka dhigayaan Muqdisho sida qorshahoodu yahay.
Xasaan Cali Khayre waxaa la sheegay inuu caawa ka soo baxay Hotel Jaziira islamarkaana uu degay Degmada Warta -Nabada gaar ahaa goob aad ugu dhaw Madaxtooyada.
Talaabadaan ayaa imaanaya xili dhanka Ciidamada Dowladuma dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Magaalada Muqdisho si ay ugu diyaar garoobaan inay yareeyaan dhaq dhaqaaqyafa Mucaaradka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
