GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka careyan mushaar la’aan inay manta xirteen wadada gasha garoonk diyaaradaha Magaladaani.
Ciidamadaan oo ka tirsan daraawiishta ayaa dhagxaan waxay ku jireen wadada iyagoo guud ahaan istaajiyay isku socodka gaadiidka ee wadooyinka Garoowe gaar ahaan tan garoonka diyaaradaha.
Xirnaanshaha wadadani wuxuu saameyn ku yeeshay duulimaadyo maanta ka bixi lahaa garoonkaasi,sidoo kale wuxuu saameyn ku yeesha shaqooyin bulshada qaar ee muhiimka ay u tahay wadadaani.
Deegaanada Puntland waxaa ku soo badanaya cabashada dhanka mushaarka ay qaataan ciidamada xili Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Deni dhawaan sheegay in daqliga dhaqaale ee Puntland uu %80 ku baxo dhanka Amniga.
Lama oga in dhaqaala yarida puntland soo wajahday ay saameyn ku yeelatay mashaariic badan oo Hay’aduhu ka fulin lahaayen Puntland oo Dowlada Somalia ay hor istaagay khilaafka ka dhexeeya darteed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
