Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in ay halkaas soo gaareen Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria
.
Ciidamadan oo ka tirsan Howlgalka midowga afrika Soomaaliya ee (AMISOM). Ayaa la sheegay in ay badali doonaan Ciidamo kale oo joogay Magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay.

Ciidamadan ayaa joogi doona Soomaaliya muddo hal sano ah, waxayna la-talin iyo taageero hawlgalba siin doonaan ciidanka booliska Soomaaliyeed .

Sidoo kale Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in 30 askari oo ka mid ah ciidamadan la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle, halka inta soo hartayna ay ka shaqeyn doonaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here