Warar kala duwan oo laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo kamid ahaa kuwa uu hogaamniyo Wasiirka Amniga Jubaland C/rashiid Janaan oo ku sugan Qeybo kamid ah Magaalada Mandheera ay kasoo goosteen isla Markaana ay iska dhiibeen Magaalada Beledxaawo ee Gobolkaasi.

Ciidamadan iska dhiibay bededxaawo ayaa lagu soo waramayaa inay tiro ahaan gaarayaan 8 askari.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowlada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidadan ay ahaayen kuwii maalmo ka hor weerarka ku qaaday Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku biiri doonaan kuwii horay isugu soo dhiibay, isla markaana ay cafisay dowladda Soomaaliya oo la qarameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here