HomeWarkiiCiidamo ka soo horjeeda sidii loo xulay baarlamanka Maamulka Waqooyi Bari...

Ciidamo ka soo horjeeda sidii loo xulay baarlamanka Maamulka Waqooyi Bari oo xirtay wado muhiim ah

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Ciidamo gadoodsan oo ka tiran Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa la soo sheegayaa inay xirteen wadada isku xirta Laas-caanood iyo Garowe.

 

Ciidamadaani oo wata hub kala duwan ayaa saluugsan sida loo soo xulay Xildhibaanada ka kooban 83-ka mudane ee Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Ber-Somalia kuwaasoo lagu wado inay dhawaan soo doortaan gudoonkooda.

Kooxxahan hubeysan ayaa wata gaadiid dagaal, xili ay laamiga ku ka mamnuuceen in a adeegsado,waxaana saf dheer ku jira gaadiidkii isaga dhex gooshi jirey Garowe iyo Laas-caanood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ganacsato  iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Laas-caanood inay ku baxeen si ay ugu qanciyaan inay furaan wadada.
XAFIISKA WARARKA SIYASADA 
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, car and road
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -