HomeWarkiiCiidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo loo furay tababar la xiriira adeegsiga...

Ciidamo ka tirsan Milateriga Somalia oo loo furay tababar la xiriira adeegsiga hubka culus+SAWIRRO

Askar ka tirsan Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa maanta loo furay tababar sare Oo lagu baranayo xirfado gaar ah oo la xiriira adeegsiga hubka culus, tababarkaasi oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda iyo xirfadda geesiyaasha dagaalka kula jira Khawaarijta.

Tababarkan ayaa waxaa furay Taliyaha Ururka 62-aad ee Guutada 6-aad CXDS, Gaashanle Faarax Xirsi Cabdulle, kaas oo askarta kula dardaarmay in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, isla markaana ay muujiyaan feejignaan, anshax iyo dadaal dheeri ah inta uu tababarku socdo.

Gaashanle Faarax Xirsi Cabdulle ayaa xusay in tababarkan uu yahay mid sare u qaadaya aqoonta, xirfadda iyo hufnaanta Ciidanka Xoogga Dalka,

si loo xoojiyo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Casharrada tababarkan ayaa waxaa bixinaya macallimiin khibrad sare u leh arrimaha milatariga oo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo si dhow ula shaqeynaya cutubyada CXDS, iyaga oo la wadaagaya waayo-aragnimo iyo tababar casri ah.

May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and textNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -