Ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgasha Galmudug iyo kuwa Nabad sugidda ayaa dagalamayaal ka tirsan Al-Shabaab kala wareegay deegaan hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Deegaankaas oo lagu magacaabo Ilgule ayey Al-Shabaab shalay kula wareegeen si nabad geliyo ah, maadaama aysan horay u joogin ciidamada dowladda.

Deegaankan ayaa qiyaastii 30-KM u jira degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaal kooban.

Al-Shabaab ayaan laga saaray deegaankaas, kadib markii dagaal kooban uu dhex maray iyaga iyo ciidamada dowladda, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ilgule militeriga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here