Ciidamo ka tirsan Puntland oo saakay xoog kula wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga Puntland

0

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa saakay oo Axad ah xoog kula wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay magaalada Boosaaso.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan xuquuq la’aan ay sheegeen inay heysatay mudooyinkii dambe.

Ciidamada ayaa isku gedaamay xarunta wasaaradda, waxayna diideen in lasoo galo ama laga baxo xarunta, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda kalluumeysiga Puntland.

sidoo kale Askari ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka gadoodsan yihiin xaquuq loo balanqaaday, mar loo diray howlgal la xiriira la dagaallanka maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Puntland.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here