LIBOYA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xaduud beeneedka Somalia iyo Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagu dilay meel ku dhaw Libooyo oo hoos tagta ismaamulka Garisa kadib weerar kaga yimid kooxda Alshabaab.
Wararka ayaa tilmaamaya in weerarka oo ahaa qarax miino ay Alshabaabku ku sii aaseen dhulka ay la beegsadeen Ciidamada Kenya oo goobtaasi marayay, waxaana qaraxa ku dhintay laba askari sida wararkaasi tilmaamayaan.
Ciidamadaan la dilay ayaa ka mid ahaa kuwa ilaalada xuduudaha ,waxayna xiligaasi ku howlanaayeen howlgal amni oo dhanka xuduudaha.
Weerarada Alshabaab ee xadka ayaa joogto ah xili ciidamada Kenyana mar kasta ay sameeaan ka hortaga weerarada nuucaasi oo kale ah hadana wali way taagan tahay dhibaatooyinka qaraxyada ee alshabaabku halkaasi ku maleegaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
