Garowe (dayniiile.com)- Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa maanta lagu oo soo bandhigtay Ciidamadii sugi lahaa Amniga Doorashada..

Doorashada ayaa sida lagu balansan yahay waxay dhici doontaa 8-da Janaayo sanadka cusub hadii Rabi idmo hadi uusan isbadal cusub iman.

Advertisement

Soo bandhigida Ciidamadaan ayaa imaaneysa xili Garowe ay isla joogaan Ciidamo hubeysan oo Mucaaradka iyo Maaamulka kala wataan.

Sidoo kale waxay ku soo aadeysaa xili dhawaan mucaaradka lagu wargeliyay ineysan hub ku dhex wadan karin Magaalada Garoowe inta doorashada socoto.

Inkastoo khilaafaadyadii madaxda maamulka la xaliyay waxaa wali si rasmi ah loo xalin xurgufyada u dhexeysa Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamulka Saciid Dani ee waqtigu ka sii dhamaanayo.

Hadaba faahfaahinta warkaan ka daawo muuqaalka Tv-ga Universal.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka qeybgalay aaska  Marxuumad Wasiirad Khadiija.+Sawirro
Next articleDAaAWO: Gabar ay dhashay Khadiija Maxamed Diiriye maxay ka tiri Geerida Hooyadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here