MUQDISJO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta fadhi ku leh Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ajandihiiu yahay ansixinta xeerka wax ka badalka Dastuurka ayaa laga cabsanyaa inay rabshado ka dhacaan islamarkaana gacan ka hadal uu yimaado madaama  xildhibaanada qaar aad u diidan yahay meel marinta qodobka wax ka badalka Dastuurka.

Advertisement

Qorshahaan meel marinta xeerka dastuurka waxaa wato madaxtooyada halka xildhibaano mucaaradka ka tirsana ay aad uga soo horjeedaan kuwaasoo shalay galab shir jaraa-id ay qabteen ku cadeeyeen mowqifkooda diidmada ah.

Sidoo kale Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraalo ay ku diidan yihiin shirkaan baarlamaanku maanta u balansan yihiin ee la rabo in lagu ansixiyo xeerka wax ka badalka  Dastuurka.

Dhanka kale waxaa Saaka shirka ka qeybgeli doona ciidamo NISA ka tirsan madaama uu xasaasi yahay si ay uga hor tagaan gacan ka hadal ama dhibaato loo geysto gudoonka Baarlamaanka iyo hab-dhowrayaasha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleKooxaha kubada cagta ee Gal-mudug iyo Banaadir oo galabta midkood fiinaal u gudbi doono
Next articleDowlada Somalia oo war ka soo saartay Dagaalkii Saaka ka dhacay Deegaanka Caad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here