MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa la soo sheegayaa inay goor dhaw jir dil xun u gaysteen Wasiiru Dowlaaha Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia .
Falkaan wuxuu ka dhacay gudaha Garoonka d Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lamana oga sababta keeni karta in xildhibaan xasaanad leh ciidamadu u gacan qaadaan inkastoo ay dhici karto ineysan aqoon u lahayn.
Taliska sirdoonka qaranka iyo hogaanka Baarlamaanka ayaa labada hay’ad-ba la filayaa inay dhacdadaani ka hadlaan madaama masuul xildhibaan iyo wasiir isku ah xad-gudub loo geystay.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawir muujinayana Wasiirka oo wajiga ka dhiigaya ilaa iyo gacmaha shaatigiisana dhiigu wada gaaray.
XAFIISA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
