JOWHAR (DAYNIIILE.COM)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran looguna tala galay ilaalinta Madaxtooyada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa khudbad uu u jeedinayay ciidamadaan wuxuu u sheegay inay yihiin ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo guud ahaan amniga Magaalada Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabelle.

May be an image of 8 people
Sidoo kale Cali-Guudlaawe wuxuu u sheegay Ciidamadaan daraawiishta Hirshabelle  inay u diyaar garoobaan ka qeybqaadashada dagaalka alshabaab ka dhanka ah wajgiisa labaad madaama tababarkii u soo xirmay.
Dhanka kale Madaxweynaha Hirshaballe ayaa markii uu tababarka soo xirey wuxuu isla shalay u dhoofay oo uu gaaray Magaalada Garowe halkaasuu uu kaga qeybgeli doono caleema saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Dani oo sideedi janaayo dib loo doortay.

Garoowe diyaaradaha Garowe ayaa waxaa kaga hor tagay oo soo dhaweyn u sameeyay Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani.
May be an image of 8 people

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleShariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Colaada xadka Gobolada Sh.dhexe iyo Hiiraan
Next articleKhilaafkii Muuse Biixi iyo Mucaaradkiisa oo dib u soo laba kacleeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here