BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta sameeyay isu soo bax cabasho ah kasoo ay ku xireen wadooyinka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Ciidamadan oo ka mid ah kuwii ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda buuraha Cal-miskaad ayaa ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad sidaas daraadeed ayayna u xanibeen isku socodka gaadiidka si cabashadooda maamulku wax uga qabto.
Meelaha ay xirteen ciidamada gadoodsan waxaa ka mid ah afaafka hore ee isbitaalka taasoo keentay inuu xirmo isu socodkii gaadiidka aada dhanka Airport-ka magaalada Boosaaso.
Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin isla socda ayaa ciidamada ugu tagay wadooyinka u xiran waxayna ka codsadeen inay furaan iyagoona xusay in Maamulka wax ka qaban doono cabashadooda daryeel la’aant ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

