Muqdisho (dayniiile.com)-Qaar ka mida Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya ee Tababarka  u jirey Dalka Ereteria ayaa maanta dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho sida ay sheegtay Idaacada Shabellle.

Diyaarad Milatari ayaa lagu soo qaaday waxayna ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin Dowlada Soomaaliya ka tirsan.

Advertisement

Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa ah kuwa Badda loo tababaray islamarkaana dhawaan uu booqday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Kumaan Ciidamo Somaaliyeed ah ayay Dowada Ereteria u tababartay Soomaaliya kuwaasoo qaar ka mida hore dalka loogu soo celiyay sanadkii hore islamarkii Xasan Sheekh dib loo soo dooray.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXukuumada Dan-Qaran oo maanta soo bandhigtay qaar ka mida qorshahoda shaqo+Sawirro
Next articleIiraan oo ku hanjabtay inay dagaalka geli doonaan hadii Yuhuudu joojin waayaan xasuuqa reer Falastiin 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here