Garowe(dayniiile.com)-Ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee PMPF ee Puntland islamarkaana ay tababarka iyo hubkaba siiso dowladda Imaaraadka  ayaa xalay saq dhexe waxay la wareegeen amaanka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Caasimada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Danni ayaa la sheegay inuu soo amaray ciidamadaan xili maalmihii ugu danbeeyay uu jirey khilaaf weyn oo kala dhexeeya mucaraadkiisa kaasoo ka dhashay ha ka loo maareynayo doorashada madaxweynaha.

Advertisement

Saciid Dani wuxuu ugu talo galay in Ciidamadaani xaqiijiyaan  amniga Gudiyadii uu dhawaan soo magacaabay gaar ahaan gudiga xalinta khilaaafaadka idoorashooyinka.

Xiisado siyaasadeed iyo gacan ka hadal ayaa laga cabsi qabaa inay dhaliso talaabada uu qaaday madaxweyne Saciid Danii.

Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu talaabadaani u qaaday kadib markii la isku mari waayay waan-waan lagu doonayay in guddoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejio guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Wixii war ah ee ku soo kordha arintaan wararkeena xiga ayaad kaga bogan kartaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Qiso kala qabsatay Maamulka Somaliland iyo Dowlada Somalia kadib taleefoon laga wacay Hargeysa
Next articleDoon siday Tahriibayaal oo ku quustay xeebaha Liibiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here