HomeWarkiiCiidamo xirtay hoolkii uu ka dhici lahaa shirka Laas-caanood

Ciidamo xirtay hoolkii uu ka dhici lahaa shirka Laas-caanood

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool iyo Maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan oo ka soo hor jeeda qorshaha hogaamiyaha maamulkaasi ay xirteen hoolkii uu ka furmi lahaa shirka maanta loo balansan yahay.

Ciidamada hubeysan ee goobta shirka xirtay waxaa la sheegay inay ka amaar qaataan Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Puntland islamarkaana asal ahaan ka soo jeeda gobolka Sool iyo SSC Khaatumo.

Axmed Karaash wuxu ku fikir yahay musharixiinta xilka Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo oo iyaguna ka soo horjeeda sida uu wax u maamulayo Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo  C/qaadir Firdhiye.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Axmed Karaash laga saaray goobta shirka markii odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta qaar soo dhex galeen arinta laguna qanciyay inuu baneeyo goobta shirka.

Sidoo kale waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay sidii shirkaasi ku furmi lahaa xli mucaradad xooggan lagala soo hor jeestay iyo eeda ugu badan ay tahay in Hogamiyaha SSC Khaatumo uu shirka leexsaday uuna wax ku wado si uusan wada-tashi ka sameyn.

Hogaamiye Firdhiye waxaa kale oo lagu eedeyay in isimadii waa weyna ee reer Sanaag inuu ku guuldareystay inuu ku qanciyo furitanka shirkaani oo ah dhameystirka maamul sameynta SSC Khaatumo.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -