MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Boliiska Saldhiga Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xoo xirey kooxo burcad ah oo ku eedeysan inay iska dhigi jireen ciidamada Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Kooxahaani burcad-nimada ku eedeysan, islamarkaana tiradoodu tahay sedexda ruux ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muqtaar Axmed Muudeey, Maxamed Cumar Maleele (Gerwayne), iyo Cabdifataah Xasan Maxamed (Carab).
Booliska ayaa sheegay eedeysanayaashani shacabka ku dhici jireen iyaga oo adeegsanaya mooto fekon islamarkaana shacabka isaga dhigi jirey inay ciidamada Dowlada ka tirsan yihiin.
Dhawaab ayaa lagu wadaa in sharciga la hor keeno sedexdaani eedeysane si sharciga loo waafajiyo qaladaadka ay galeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


