Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo inta badan dhawaaqiisa laga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo lagu xiray gaariga raaxada gaar ahaa nuuca loo yaqaan Surf ayaa ka dhacay Degmada Xamar Weyne, gaar ahaan agagaarka Muqdisho Mall oo ku dhaw xarunta Gobolka Banaadir ee dolawdda Hoose ee Xamar.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Maanta 07/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall.”
Sidoo kale qoraalk ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in qaraxa uusan geysan wax dhibaato ah, “Muwaadinkii wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ku yaraa falalka amniga liddi ku ah, iyada oo Amniga Gobolka Banaadir guud ahaan lagu wareejiyay Ciidan cusub kuwaas oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda



