Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qordheysnaa kana dhan ahaa  Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degmada Buurhakaba ee iyo degaano hoostaga ee Gobolka Baay.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgallo layu baarayay Guryaha iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ka fuliyay degmada  degmada Buurhakaba iyo degaanka Ceelbashiir oo 10km u jira degmadaas, halkaas oo la sheegay in mararka qaar ay dadka ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in sidoo kale ay Ciidamadu howlgallo gaar ah ka fuliyeen dhulka howda ah ee degmada Buurhakaba, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalladaas.

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay oo sidoo kale ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa mararka qaar xilliyada habeenkii weerar kusoo qaada dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab, halka Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay degmadaasi ka fuliyaan howlgallo gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here