Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB  ayaa howlgal miino baaris ka sameeyay degaanka Daaru-nimco iyo degaannada ku dhow dhow, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa inta ay baaritaanka wadeen waxay ku guulaysteen ineey miinooyin ka saaraan wadooyinka soo gala deegaanka iyo kuwa ka baxa oo ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka daaru nimca iyo deegaanada u dhaw.

Advertisement

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa shegay in Al-Shabaab ay wadooyinka iyo goobaha ay isticmaan dadka shacabka ah geliyaan miinooyin ay doonayaan ineey ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed

ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo u taagan badqabka muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab, aagaasi ka nadiifiyeen miinooyinka ay cadawga ummadda soomaaliyeed ku aaseen ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha dhexe ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Howlgalkan ay Ciidamada DANAB ka sameeyeen degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka socdo degaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolada, Hiiraan Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Previous articleFunaanadda Manchester City 2023-24: Guri cusub, funaanado marti ah iyo mid saddexaad, taariikhaha la sii daayay iyo qiimaha
Next articleXukuumadda oo weli Dhuusamareeb ka wada Abaabul dagaal ka dhan ah AS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here