Ciidanka Dowlada oo Sargaal Alshabaab ah Dilay

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dilay sargaal katirsan Al Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose waxayna Ciidanka Xoogga Dalka ku dileen Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo tiro dagaalyahano ah.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay xubno ka tirsanĀ  Al-shabaab iyo Madaxii Hoobiyaasha kooxdaasi.

Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 ka tirsan dagaalyahano Al-shabaab iyo madaxii Hoobiyaasha Nabadiidka.

Taliye Axmed ayaa Magaca sargaalka la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe isagoona Nabadiidka u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here