Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta AS kala wareegay deeggaanka Cadcadeey oo hoostagga magaaladda Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha dhaxe oo in muddo ah gacanta ku hayeen.

Gen. Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa u sheegay in ciidanka xoogga saakay ay gudaha u galeen deegaanka Cadcadeey iyada oo AS ay isaga baxeen.

Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay “Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka xoogga dalka iyo dadka isu abaabulay in ay iska dulqaadaan AS” Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda.

Hawgalkaan maanta ka dhacay deegaanka Cadcadeey ayaa ku soo aaday xilli todobaadkaan guduhiisa ay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley ay AS kala Wareegeen deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Goballada dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah AS, kaas oo ay horkacaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo isgarab sanaya, xilli Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here