Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelah Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka ayaa Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka kala wareegeen AS oo muddo ka talineesay deegaanka oo hoos yimadaada Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Gaashaanle Cali Yuusuf Macalim oo ka mid ah saraakiisha hoggaaimneysay howlgalka lagula wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in AS deegaankaan uu u ahaa marrin muhim u ah oo isaga kala gooshaan Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhaxe iyo Shabeellaha Hoose. Sida lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda.

Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah Goballada uu ka socda gulufka dagaal ee ka dhanka ah AS, kaas oo inta badan ka socda Goballada Dalka, xilla maalmo ka hor Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Wabxo oo ku dhawaad 15 sano ay AS ka talineysay iyo deegaano dhawor ah oo hoos yimaada Gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here