Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaadooska Gorgor ayaa waxa ay howlgalka sigaar ah uga sameeyeen degaannada kala ah Shaam-gare, tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.

Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle Dhexe Dayax Cabdi Cabdulle oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada u dhow degmada Awdheegle, halkaas oo mararka qaar ay weerarada kasoo abaabulaan.

Ciidanka Gorgor ayaa gacanta ku haya degaano badan oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, balse mararka qaarkood ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here